(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Magaalooyinka Naivasha iyo Nairobi Ayaa waxa Ka Soconayay kulan looga arinsanayey sidii loo sameyn lahaa Qorshaha Amniga iyo Xasilinta Dalka Kulankaas ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Naivasha 12 kii illaa iyo 16kii August, halka ay khubaro Somalia ahna ay halkaas ka sii wadeen sidii loo dhameystiri lahaa qabyo qoraalka Qorshaha Amniga iyo Xasalinta Dalka oo ay maanta ku soo Afmeereen Dalka Kenya
Shirkaani ayaa waxaa dowladda uga qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha, Taliyeyaasha Xooga Dalka iyo Booliiska Soomaaliyeed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta. Sidoo kale kulankan waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka kala socotay Madaxtooyada, Wasaaradda Garsoorka, Hay’adda Nabadsugidda, Amniga Qaranka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Waxaa Sidoo Kale kulankan joogay Xubno Soomaali ah oo isagu jiray aqoonyahano iyo saraakiil ka tirsan ciidamadii hore ee dowladda oo iyagana in muddo ahba ka shaqeynayey arrimaha militariga. Sidoo kale waxaa goobta kulanka goob joog ka ahaa diplomaaisyiin iyo goobjoogayaal ka kala socday Caalamka iyo waddamado Kale
Qorshaha Amniga iyo Xasilinta Dalka ayaa waxuu muhiimad gaar ah u leeyahay shacabka soomaaliyeed oo Qorshahan la rajeynayo inuu sahlo sidii dowladda ay xiriir wanaagsan ula sameyn laheyd caalamka dhanka amniga isla markaana ay dowladdu u heli laheyd kaalmo dhanka amniga ah.
Dr Abdiweli Mohamed Ali Gaas Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mudnaanta koowaad siiyey amniga, isla markaana qorshihii xukuumadda ee barlamaanku anisixiyey ayaa waxaa ku jirtay in la sameeyo Qorshaha Amniga iyo Xasilinta Dalka.
Sidaas daraadeed, waxaa muuqata in Xukuumadda Gaas ay durbadiiba dar-dargelineyso sidii loo dhameystiri lahaa Qorshahan, tasoo muujineysa sida ay Xukuumaddan cusub uga go’antahay ballanqaadyadii ay dhowaan Ka Sameysay Madax Dowlada TFG-da.
(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)\





