ING. feysal Cali Waraabe oo ku eedeeyey xisbiyada kale in ay hantida qaranka u adeegsanayaan ololaha doorashada S/land.

0
573

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa sharci daro ku tilmaamay ololaha hoose ee ay xisbiyada kulmiye iyo WADANI ka dhex bilaabaan wakhtiga diiwaangelinta goboladda ka socdaan.

Guddoomiyaha UCID, Faysal Waraabe ayaa dhaliilay gudiga doorashooyinka sababta wax uga qaban wayday ololaha hoose ee xisbiyadda kale ka dhex bilaabayaan waqtiga diiwaan-gelinta ka socoto goboladda.

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa gudoomiyaha dhigiisa ah ee WADANI ku eedeeyey inuu lacagtii baarlamaanka u adeegsanayo ololaha xisbigiisu ka dhex waddo goboladda, waxaanu xukuumadda usoo jeediyey inay wax ka qabato si goob banaan ugu tartamaaan.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in diiwaangelinta gobolka Saaxil ka bilaabmaysa aan buuq iyo xasarad loo horseedin maadaama oo wali ay taagan tahay murankii deegaanka la iskugu haystay ee Saaxil, waxaanu usoo jeediyey inay labadda xisbi ee kale joojiyaan hadaladda xanafta leh ee goobaha marayaan ka soo jeedinayaaan.

“Diiwaangelinta waxa weeyi laba diiwaangelin ayaa isdaba socota tii muwaadinimo iyo tii codeynta, si dadkeenu xuquuqdiisa u muujiyo oo tii muwaadiimo iyo tii codeynta u sameeyaan, waxaana hambalyeynayaa qalabkan diiwaangelinta lagu samaynayo oo ah qalab fiican oo qabanaya qofkii is yidhaa ku celceli,” ayuu yidhi mar uu maanta warbaahinta kula hadlayey Waraabe magaaladda Hargeysa.

Mar uu labdda xisbi iyo ololahoodda hoose ka hadlayey inay joojiyaan waxa uu yidhi “Waxa hadda la bilaabaya Saaxil, waxa qudha ee aan ka digayaa labdda xisbi ee kale waxay bilaabeen inay ku dhex ololeeyaan oo ololihii doorashada ka dhigaan, iyagoo weliba awoodii dalka haya, waad ogtihiin oo way isku qabsadeen oo way isku hanjabeen markii gobolka Awdal marayeen, labaddii wefti baa isku dhici gaadhay, imika Saaxil bay ka bilaabmaysa oo geeri baa ka dhacay oo arin fool xun baa ka dhacday oo rabshadaa ka dhacay,arrintii weli way taagan tahay oo waxaanu ku soo heshiinay  in diiwaangelinta ka bacdi la galo arrimihii muranka dhaliyey, iyadoo arrimuhu kacsan yihiin haddii olole laga dhex bilaabo waxa iman doonta dhibaato, waxaan leeyahay Guddida doorashooyinka horana waraaq waanu ugu qornaynay hadii uu maanta joojin waayo ololaha ay dhexgalinayaan labadda xisbi ee kale barrina wax ka weyn ma  joojin karaan, waxaan leeyahay ha la joojiyo ololahan”.

Guddoomiye Faysal ayaa gudoomiyaha golaha Wakiiladda ahna gudoomiyaha xisbiga WADANI ku eedeeyey inuu ololaha xisbigiisa u adeegsanayo lacagtii baarlamaanka, waxaanu yidhi “xildhibaanadda baarlamaanka ee WADANI u ololaynayaa ha joojiyaan weli kuwii kale may soo bixin ee marka uu xildhibaanku cid u ololaynaya waa inuu xilka ka tagaa weeyi,  Cabdiraxmaan Cirro (guddoomiyaha Wakiiladda) waa inuu xilka ka tago weeyi, haddii ay dawladdu ka baqayso Cabdiraxmaan Cirro isagoo lacagtii dawlada isticmaalaya oo uu leeyahay gudoomiyaan ahay anagu ka xishoon mayno, xiitaa wuxuu kaxaysanayaa shaqaalihii baarlamaanka oo waxa la socday xoghayihii golaha Wakiiladda oo lacagtii daba siday haddii wax laga qaban waayo  dee anaga iska qabanayna, nin gudoomiye baarlamaan ahi inuu nala tartamo maaha, maxaanu barii hore u gali weynay baarlamaanka aniga iyo Siilaanyo waanu isku qori karaynee, marka waxaan leeyahay xisbiyadu ha ka daayaan ololaha oo wacyigelintii dadka dhex socota oo lacag badani ku baxday, anagu waxaanu xaq u leenahay waa kormeer uun oo wixi khaldan gudida doorashooyinka u sheegno, anagu ogolaan mayno laba gudoomiye oo midna xukuumaddii ka socda midna baarlamaankii ka socda,  marka saddexda xisbi ololaynaya waa in la sinaadaa, anagu ka baqan mayno WADANI iyo KULMIYE, waxaana leeyahay xisbiyaddu qabyaaladda ha ka baxaan.”

Si kastaba ha ahaatee, Labada xisbi ee WADANI iyo kulmiye ayaa olole adag ku dhex jira wakhtiga diiwaangelinta ka socoto goboladda, waxaana marar qaarkood keentay in weftiyadda labadda xisbi ka kala socdaa goobaha iskugu yimaadaan isku dhici gaadhaan, iyadoo dhoolo tuska ka dhex sameeya goobaha ay booqanayaan.

Hase ahaatee, dhowaan ayey ahayd markii labaddan xisbi ee tartanka adag ku dhex maray gobolka Awdal kulan iskugu yimaadeen iska saamaxay wixii khaladaad ah ee wakhtigii diiwaangelintu ka socotay gobolkaasi soo kala gaadhay, iyagoo ku balammay in goboladda kale marka la gaadho in goobo isku mid ah aan la iskugu iman si aanay taageerayaashooddu dhibaato ugu kala dhicin, isla markaana inta kala war-wareegi karaan kala war-wareegaan oo qolo waliba dhinac ka bilowday kormeerkoodda diiwaangelinta.

beco11beec22