Marwo Hodan Siciid Ciise Oo Deeq Gaarsiisey Barakacayaasha Muqdisho

0
565

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)

Xaaska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada TFG-da Drs.Hodan Siciid Ciise ayaa maanta deeq isugu jirtay lacag iyo dhar u qeybisay qoysas barakacayaal ah oo ku jira Kaam lagu magacaabo Koorsan oo ku yaala gudaha Gobolkani Banaadir.

Deeqdaani ayaa waxaa u soo wakiishay Drs. Hodan Siciid Ciise dad samafalaal Soomaali ah oo ku nool magaalada Buffalo ee dalka Mareykanka waxayna cadadkeedu gaareysay lacagta ay qeybisay 50 Milyan oo Shillinka Soomaaliga ah iyo dhar aad u tiro badan oo isugu jiray qeybaha caruurta iyo dadka waaweyn iyo weliba go’yaasha dhaxanta laga galo, waxaana xusid mudan in gacanteeda ay ugu qeybisay deeqdanni Oo Isugu Jiray Qeebo Kal Duwan.

Hodon Siciid Ciise oo saxaafada kula hadashay gudaha Kaamka Koorsan ayaa Waxa ay baaq u jeedisay dadka Soomaaliyeed ee qurbaha iyo kuwa beesha caalamkaba inay gargaar u fidiyaan dadkan abaarta Baahsan heysato. “Xaalada barakacayaasha ma ahan sida loo maleynayo, waana mid aad u daran, waxaana dareemi kara qofka indhihiisa ku soo arka, waxaana ka codsanayaa walaalaha Soomaaliyeed ee qurbaha iyo beesha caalamkuba inay gargaar u fidiyaan dadkan” ayay tiri Marwo Hodan oo xustay in dowladdu ay dedaashay oo dadkan ay u sameysay degaan balse ay Awood Dheeraad Ah U leheen Inta Ay Qabatay Marka Laga Reebo Ay Tiri Marwo Hodan Saciid Ciise

(Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)