Saciid C/qaadir Saciid oo loo magacaabey gudoomiyaha deg. SHangaani halka xilkii laga qaadey gudoomiyihii degmadaas Axmed Xasan Yalaxow.

0
625

Wareegto ku taariikheysnayd 24-kii bishan December oo kasoo baxday maanta wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka Xukuumadda Somalia ayaa lagu xusay in guddoomiyihii hore ee degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, Siciid C/qaadir Siciid mar kale dib loogu magacabay xilkaas.

Siciid C/qaadir ayaa xilka ka qaaday bishii Juun ee sannadkan 2015-ka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen [Muun-gaab], waxaana xilkaas loo magacaabay Axmed Xasan Yalaxoow oo isna maanta xilkaas laga qaaday.

Hadaba akhriso wareegtadii ka soo baxdey wasaaradda arrimaha gugadaha D.F.S.