Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)
Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr.Augustine P.Mahiga ayaa codsadey in Soomaaliya loo soo diro ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midowga Africa, kadib markii Ay XArakada Al-Shabaab ka baxeen magaalada Muqdisho.
Augustine Mahiga ayaa sheegay in ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya ay u baahan yihiin in la xoojiyo si ay dawladda uga caawiyaan dib u soo celinta nabadgelyada magaalada Muqdisho.
Dawladda Soomaaliya ayaa u balanqaadey xubnaha ka tirsan Xarakada Al-Shabaab in ay siinayso magangelyo haddii ay dawladda isu dhiibaan hubkana iska dhigaan.
Dr.Mahiga ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in Xarakada Al-Shabaab xeeladaha bedalanaayaan, khatartoodina weli taagan tahay.
Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan ciidamo ka socda Midowga Africa gaar ahaan dalalka Burundi iyo Uganda kuwaas oo gaaraya 9000 oo askeri, waxaana horey loo balan qaadey 20000 kun oo askeri in halkaas la geeyo, waaana midda hadda la doonaayo.
Wararka Soomaaliya (Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee warsom)





