Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed oo kusii qulqulaya xuduud beenaadka ay wadaagaan soomaaliya iyo kenya.

0
485

Ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed oo ka imaanaya meelo ka duwan ayaa kusii qul qulaya xuduud beenaadka ay wadaagaan kenya iyo soomaaliya iygoo sida la sheegey ka hor tagaya duulaan qaawan oo ay kenya kusoo qaadey ciidda iyo biyaha soomaaliya.

 

Sarkaal u hadley ciidanka qaranka soomaaliya ayaa sheegey in ciidamadii ugu horeeyey ee ka hor tagaya darbiga iyo duulaanka ay wado dawlada kenya ay ka baxeen gobolka Gedo aysana faraha ka laaban doonin gardarada iyo dandaansiga ay wado kenya.

 

Xuduud beenaadka ay wadaagaan soomaaliya iyo kenya ayaa beryahan waxaa ka taagnaa muran aad u weyn oo la xiriira derbi ay sheegtey in ay ka dhiseyso dawlada kenya xuduud beenaadka ay wadaagaan labada dal mana jirto cid murankan ka hadashey sida Q/midoobey iyo beesha caalamka.