Qaraxyo is daba joog ah ayaa lagu qaadey xaley ciidanka jubaland ee maamulka axmed madoobe waxaana lagu soo waramayaa in labo weerar oo is xig xiga xaley lagu weerarey fariisimo ay lahaayeen ciidanka jubaland iyadoo daryanka rasaasta iyo madaafiicda leys weydaarsanayey laga maqlayey agagaarka kismaayo.
Warar lagu kalsoonyahey oo laga helayo aagaas ayaa sheegaya in khasaare lixaad leh uu ka dhashey dagaalkaas lana arkayey ciidamo badan oo dhaawac ah iyo kuwo dhintay waxaana loosoo qaadey dhaawacyadii halkaas ka dhacey magaalada muqdisho iyo dalka kenya oo ay bah wadaag aad isugu dhaw yihiin axmed madoobe.
Ciidama alshabaab ayaa beryahan waxey weeraro culus ku hayeen qeybo kamid ah dalka soomaaliya lamana oga khasaaraha dhankooda kasoo gaarey dagaalka kismaayo ka dhacey mana jirto cid dhex dhexaad ah oo dagaaladaas ka hadashey inta badana lama maqlo khasaaraha soo kala gaarey dhinacyada ku dagaalama gudaha soomaaliya.





