Dagaal yahanada al shabaab oo sheegey in ay kordhinayaan weerarda ka dhanka ah ciidamada amisom iyo dawlada federalka ahba.

0
553

Dagaal yahanada al shabaab ayaa sheegey in ay kordhinayaan weerarada ka dhanka ah dawlada iyo ciidamada amisom inta aan la gaarin xiliga kala guurka 2016ka iyadoo uu muuqdo hadalkani ayaa beryahan waxaa is soo taraya weerarada ay al shabaab ku qaadayaan saldhigyada ciidamada amisom iyo goobaha ganacsi ee ay la xiriirinayaan in madax dawlada ka tirsan ay adeeg u fidiyaan.

 

Alshabaab ayaa todobaadkan weerarey dhawr goobood oo ay ku jiraan saldhigyo ciidan iyo xarumo kala duwan oo dalka soomaaliya ah,waxaana laga cabsi qabaa in ay meelo ka baxsan soomaaliya ay qaraxyo ka fuliyaan iyadoo dhawaan ay sheegeen booliska dalka kenya in hayaan xog la xiriirta qaraxyo ay alshabaab doonayaan in ay ka fuliyaan magaalooyinka waaweyn ee kenya sida niayrobi iyo mombaasa.

 

Heyadaha amniga dawlada soomaaliya ayaa ku guul dareystey in ay helaan xog iyo sir ay kaga hortagaan weererada iyo qaraxyada ay magaalooyinka dalka gudihiisa ay ka fuliyaan,waxeyna taasi fashil ku noqotey ku kalsoonaanta heyadaha amniga soomaaliya mana jirto wada shaqeyn dhexdooda ah iyo xog is dhaafsi balse mid kastaaba si iskiis ah ayuu uga hawl galaa dalka inta ay gaarsiisantahey gacan ku heynta dawlada federalka soomaaliya.

 

Ururka al shabaab oo soomaalya ka dagaalama ayaa ku xiran urur weynaha al qaacida waxeyna sababi karaan hadii ay ka dhabeeyaan hadalkan in ay wiiqaan awooda ciidamada iyo higsiga 2016ka oo ay doonayaan kuwa hada xilka hayaa in ay mar kale talada dalka ku soo laabtaan.