kHilaaf cusub oo lagu soo waramayo in uu soo kala dhexgaley m/weyne Xasan SHeekh iyo Cumar C/rashiid muxuu salka ku hayaa?

0
484

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahey oo aan kasoo xiganey ilo ku dhaw xafiiska m/weyne Xasan SHeekh iyo kan r/wasaare Cumar C/rashiid waxaa jira khilaaf hor leh oo u dhaxeeya m/weynaha iyo r/wasaaraha iyadoo uusan wali debada u soo bixin.

 

KHilaafka ayaa wuxuu salka ku hayaa baa la sheegayaa m/weyne Xasan sheekh oo la doonaya in uu noqdo wasiirka amniga ee xiligan m/weynaha gobolada hiiraan iyo sh/dhexe,halka Cumar C/rashiina uu taas diidanyahey isla markaasna uu doonayo in uu bedelo wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka arrimaha debedda taas oo iyadana Xasan SHeekh ka soo hor jeedo.

 

KHilaafkan ayaa noqonaya hadii uu soo shaac baxo kii sababi lahaa in m/weyne Xasan SHeekh xafiiska ka tago iyadoo bilo uga dhimanyihiin mudadii uu xilka heyn lahaa sababtoo ah khilaafyada soo dhexmarey isaga iyo r/wasaarayaal hore ayaa jirey hadii kan uu yimaadana waa qasab in uu isaga galaafanayo,waana la arki doonaa sida ay wax noqdaan.