Gudoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale oo booqdey dadkii ku dhaawacmey qaraxii hottel saxafi.

0
575

Gudoomiyaha cusub ahna duqa muqdisho Yussuf Xuseen Jimcaale ayaa maana booqasho lama filaan ah ugu tagey dadkii ku dhaawacmey qaraxii hotel saxafi kuwaas oo ku sugnaa isbitaal madiina,isagoo mid mid u gacan qaadey ayuu gudoomiyuhu wuxuu ilaahey uga rajeeyey in ay deg deg u bogsadaan isagoo kuwii qaraxa ku dhinteyna u rajeeyey janadii fardawsa in allaah ka waraabiyo.

 

Gudoomiye Yussuf Xuseen ayaa markii uu xilka la wareegayey balan ku qaadey in uu amniga magaalada muqdisho wax weyn ka qaban doono,uuna soo celin doono bilicdii magagaalada muqdisho isla markaasna uu wax ka qaban doono is qab qabsiga ka jia xaga dhulalka uuna caddaalad ugu adeegi doono dadka gobolkan banaadir.

 

Dadka degan gobolkan banaadir ayaa tabanaya xil gudasho la aan ay hore u sameeyeen maamuladii ka horeeyey gudoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabey gobolka banaadir iyadoo hore looga bartey madaxdii iaga ka horeysey in ay marka ay xilka la wareegayaan ay balan qaadyo dadka soo jiita ku dhawaaqa kadibna oohin iyo qeylo dhaan ku danbeeya lamana oga waxa uu uga bedelnaan doono gudoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale.

 

Gudoomiye Yussuf Xuseen ayaa ah nin ay aad isugu dhawyihiin m/weyne Xasan SHeekh isagoo ahaa xoghayihii arrimaha gudaha ee xisbigii Xasan SHeekh waxaana la wada ogyahey in ay wada ahaayeen ururka DAMULJADIID,ee talada dalka si lama filaan ah ugu guuleystey dawldii uu m/weynaha ka ahaa SHeekh SHariif ka dib,waana la arki isna halka uu maro.