Maamulka SH/ Dhexe Oo Ku Baaqay In Gurmad Loo Fidiyo Dadka Uu Fahataadda Webiga Saameeyay

0
502

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa shegay inay wadaan dadaalo looga hortagayo in webiga shabeelle uu fatahaad sameeyo, madaama dhawaan dhanka Mahadaay uu webiga ka soo fatahmay, kaasi oo sababay barakac aad u fara badan.

Axmed Meyre Makaraan Guddoomiye ku-xigeenka dhanka siyaasadda iyo amniga ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dowladda looga fadhiyo sidii ay gacan ugu siin lahayd ka hortagidda in webiga uu fatahaad sameeyo, waxaana uu intaa ku daray in dhawaan fatahad u webiga ka geystay degmada Mahadaay ay ku barakaceen qoysas badan.

Sidoo Kale Axmed Meyre Makaraan ayaa xusay in dadaal ay ugu jiraan sidii gurmad u gaarsiin lahaayeen qoysaska ka barakacay degmada Mahadaay ee uu saameeyay wabiga Shabeelle, waxaana uu ku baaqay in gurmad lala soo gaaro dadka uu saameeyay fatahaadda, maadaama kan maamul ahaan.