Inkasta oo jawiga siyaasadeed ee Somaliland uu maanta u muuqdo mid degen haddana magaalada Hargeysa ayaa aad looga dareemayaa dhaq dhaqaaq siyaasiyiinta, madax dhaqameedka iyo masuuliyiinta dalwdda oo shirar gooni gooni ah ku yeelanaya meelo kala duwan.
Arrintan ayaa daba socota markii shalay ay is casileen in ka badan 10 xubnood oo iskugu jira wasiiro, wasiir ku xigeeno iyo mas’uuliyiin kale, oo ka tirsanaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.
Wasiirada iscasilay ayaa waxaa ku jira xubno haye jagooyin sare iyo qaar aad ugu dhowaa madaxweyne Siilaanyo.
Hadaba Muxuu salka ku hayaa khilaafka keenay in masuuliyiintaasi ay xilalkooda iska casilaan?, Xurgufta ka dhex taagan xisbiga kulmiye saamayn intee le’eg ayay ku yeelan kartaa xukuumada Madaxwayne Silaanyo, maxaase laga filankaraa qabsoomida shirka golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye uu u balan san yahay 10 ka bisha November ee fooda innagu soo haysa?
Dhanka Kale Madaxweyne Siilaanyo Ayaa magacaabay Xubno cusub Oo Ka kooban toddoba, waxayna buuxin doonaan jagooyinkii ay shalay iska casileen wasiiro iyo wasiir ku xigeenno.
Madaxweynaha Somaliland Axamed Maxamed Siilaanyo, ayaa mas’uuliyiin cusub u magacaabay xilal ay shalay iska casilee wasiiro iyo wasiir ku xigeenno ka mid ahaa xukuumaddiisa.
Wareegto kasoo baxday madaxtooyada oo uu ku saxiixnaa Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu xubnahan soo socda u magacaabay jagooyinka lagu xusay:
1. Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland(Hore Duulista).
2. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Somaliland (Hore Xildhibaan).
3. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Arrimaha Nabadaynta ee Gobolada Bariga).
4. Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Somaliland ( Hore Wakiilkii Kenya u fadhiyey Somaliland).
5. Dr. Sacad Cali Shire, waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland (Hore Wasiirkii Qorshaynta Qaranka).
6. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland (Hore Wasiiru-dawlihii Maaliyada).
7. Xuseen Aaden Cige (Deyr), waxaa loo magacaabay inuu noqdo Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.





