Baaritaano Xoogan Oo Laga Bilaabvay Xaafado Ka Tirsan Dagmada X.Jajab

0
495

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa maanta baaritaankii ugu badnaa waxay ka wadaan Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Maamulka Degmada ayaa sheegay in baaritaanada saaka lagu soo qabqabtay dhalinyaro aad u badan kuwaasi oo lala xiriiranayo Alshabaab.
Sidoo kale maamulka degmada ayaa sheegay in dadka lasoo qabtay inay ku jireen dad gacmaha kula jiray waxyaabo amaanka wax u dhimayo,sida ay sheegeen.
Ciidamada dowlada oo ay ku jiraan kuwa sida gaarka u tababaran ee Alpha Group kuwaasi oo la sheegay inay baaritaan kula dhaqaaqayaan dadka iyo xaafadaha ku yaala degmadaasi.
Maalintii shalay ayay aheyd markii ciidamada maamulkaasi ay gacanta kusoo dhigeen dhalinyaro badan.
Gudoomiyaha degmada Xamar jajab Maxamed Cali Axmed oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan baaritaanada.
Degmada Xamar jajab ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay degen yihiin masuuliyiinta Dowlada waxaana ku yaala xarumo dhowr ah dowlada ay leedahay Waxaana Saaki Lagu Dilay Haweeney Ganacsato Ahayd