Qaarka mida suxufiyiinta Muqdisho ayaa maanta isku imid kulan baroor diiq loogu samaynayo Allaha u naxariistee suxufiyiintii 20 September 2012 kii maanta oo kale lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaayada The Villige ee ku taala degmada Xamar magaalada Muqdisho oo saddex wariye oo si wayn uga dhex muuqday saxaafadda soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimada ee Muqdisho ku waayeen naftooda.
AUN suxufiyiintaas geeriyooday ayaa waxa ay kala ahaayeen Marmuum Liibaan Cali Nuur oo ahaa madaxii wararka TV-ga dowladda iyo Cabdi Sataar Daahir Sabriye oo ahaa madixii wararka Idaacadda Radio Muqdisho iyo Cabdiraxmaan Yaasin Cali oo ahaa Agaasimihii Idaacadda Radio Xamar ee VOD.
Liibaan ayaa waxa uu ka geeriyooday labo xaas iyo Afar carruur ah, halka Cabdi Sataar uu lahaa xaas uusan wali la aqal galin, Cabdi Raxmaan Yaasina waxa uu lahaa xaas iyo ilmo.
Waxaa sidoo kale isna 21-September kooxo hubeysan ay ku toogteyn isgooska baar ayaan ee degmada Yaaqshid wariye Xasan Yuusuf Absuge,oo ka tirsanaaRadio Maanta.
Allaha u naxariistee Wariye Xasan Yuusuf Absuge ayaa ka soo shaqeeyay idaacadaha kala ah Radio Muqdisho, GBC, VOD iyo Somaliweyn Radio, waxana uu ka mid ahaa ragga mudda dheer ku jiray mihnada saxaafadda Soomaaliya.
Sanadkii 2012 ayaa ahaa sanad murugo iyo uur ku taalo ku reebay suxufiyiinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. waxaa la dilay ayaga oo waajibkooda shaqo gudanaya ku dhawaad 20-suxufi oo ka howlgalayay Soomaaliya kuwaasi oo ay dileen kooxo arxanlaaweyaal ah.





