Dooni Siday Ku Dhawaad 500-Qof Oo Muhaajiriin Ah Oo Ku Quustey Xeebaha Dalka Liibiya.

0
535

Boqolaal qof ayaa laga cabsi qabaa in ay
dhinteen kaddib markii laba doonyood oo ay
saarnaayeen ku dhawaad 500 oo qof oo
muhaajiriin ah ay ku dagtay xeebaha
magaalada Zuwara ee dalka Liibiya.

Howlgal samatabixin ah oo lagu soo
badbaadinayo mid ka mid ah doomahaasi oo
degtay xilli hore oo caawa ah ayaa lagu soo
warramayaa in uu halkaasi weli ka socdo.
Dalka Liibiya kama aysan jirin dowlad dhexe
muddo sanad ah, iyadoo waddanka intiisa
badan ay maamulaan maleeshiyaad iska soo
horjeeda.

Labada doomood ayaa soo codsaday in la
caawiyo waxyar un kaddib markii ay ka soo
shareecdeen xeebta Zuwara ee Galbeedka
dalka Liibiya.

Mid ka mid ah doonyahaasi ayaa degtay
saacadihii hore ee shalay oo Khamiis aheyd,
halka doonida labaadna ay degtay xilli dambe
isla maalintaa.

Ugu yaraan 20 qof oo muhaajiriin ah ayaa lagu
soo waramayaa in laga soo badbaadiyay
labadaasi shil.

Waxaa soconaya howlgal baadigoob ah oo ay
wadaan ciidammada ilaalada xeebaha Liibiya
oo ay ku baadi goobayaan mid ka mid ah
doonyahaasi degay.

Qof ku sugan magaalada Zuwara ayaa BBCda
u sheegay in ugu yaraan 100 mayd la geeyay
isbitaalka magaalada, kuwaas oo ay ku jiraan
muwaadiniin u kala dhalatay wadammada
Suuriya, Bangladesh iyo dhowr dal oo ka tirsan
dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika.
Bal arrintan si madax bannaan looma xaqiijin
karo.

Ciidammada ilaalada xeebaha ee Liibiya ayey
xadidan tahay awadooda ay badda uga
sameyn karaan howgal ballaaran oo
samatabixin ah.

Inta badan dadkii saarnaa doonyahaasi ayaa
laga cabsi qabaa in ay dhinteen.