Dilal qorshaysan iyo qaraxyo lala eegtay saraakiil katirsan dowladda Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.
Qarax maanta duhurkii ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa lala helay gaari uu la socday sarkaal katirsanaa sirdoonka DF-ka gaar ahaan qeybta qaabilsan tira koobidda guryaha.
Goob joogayaal ayaa sheegay in uu si dirqi ah ku badbaaday madaxa derisaynta gobolka Banaadir Ninka lagu magacaabo C/Xakiim Al-haadi.
Sarkaalka badbaaday oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in gaarigiisa ay waxyeello xooggan kasoo gaartay qaraxa lala helay isagoona weerarkaasi ku eedeeyay xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Sidoo kale taliyihii sirdoonka deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa caawa maqribkii lagu dilay isla deegaankaasi,sarkaalka ladilay oo magaciisa lagusoo gaabiyay Dhuubow ayaa wada shaqeyn wanaagsan la lahaa ciidamada shisheeye ee Soomaaliya kusoo Sugan.
Dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa degmada Wardhiigleey ee gobolka Banaadir ku khaarijiyay sarkaal katirsanaa Nabad sugidda DF-ka.
Tan iyo bilashadii bisha barakaysan ee Ramadaan ayay xarakada shabaabul Mujaahidiin xoojisay dilalka iyo weerarada qorshaysan ee ka dhanka ah ciidamada iyo saraakiisha DF-ka.





