Xukuumadda Puntland Oo Mar Kale Ganafka Ku Dhufatey Guddiyadda Federaalka.

0
476

Golaha Wasiirada Puntland ayaa ka hadley Barnaamijka Hindisaha cusub ee loo yaqaan New Deal, Amniga Puntland iyo Guddiyada dhawaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixiyey ee guddiga doorashooyinka iyo guddiga xuduudaha.

Puntland ayaa sheegtey in barnaamijka Hindisaha cusub (New Deal) aanu u socon sidii loogu talo galay, waxaana loo xilsaarey Wasaaradda Qorsheynta Puntland in ay qiimeyn buuxda ku samayso barnaamijkaas isla markaana u soo gudbiso Golaha Xukuumadda.

Barnaaminjka New Deal ayaa lagu dhawaaqey Sanadkii 2013, waxaana uu ka dhashey shiurkii Brussels, waxaana ujeedkisu ahaa dardargelinta hormarinta Soomaaliya iyo qiimeynta xaaladda hormarineed.

Dhanka kale Golaha Xukuumadda Puntland ayaa mar kale ganafka ku dhuftey, labada guddi ee dhawaan Baarlamaanka Federaalku meel mariyey ee kala ah Guddiga Doorashooyinka 2016 iyo guddiyada xuduudaha.

Puntland ayaa sheegtey in guddiyadaas waxba aan laga weydiin, sidaas darteed aysan la shaqeyneyn, Puntland imaan karin wax shaqo ahna aysan ka fulin karin, maadaama ay ku yimaadeen wadatashi la’aan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Cabdiraxmaan Odowaa oo dhawaan Baarlamaanka Federaalku wax ka weydiiyey sida dastuurku qabo wadatshi in ay ka sameeyeen oo la weydiiyey dhamaan dadka wadaaga barnaamijkan ayaa yiri, Wadatashigu ma qeexna haddii uu yahay in Telefoon loo diro oo la weydiiyo sida ay u arkaan aragti ahaan taas waa la sameeyey!!.