Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda federaalka ay weli gacanta ku hayso faylasha dacwada ee ku aadan xuduud badeedka ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya oo muran muddo badan taagnaa loo gudbinayo maxkamada Hague ee dalka Netherlands Isniinta soo socota.
Xeer ilaaliyaha wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay meelkasta u marayso sidii ay u difaacan lahayd dhulkeeda iyo badaheeda gor gortana ka galeyn taako ka mid ah dhulkeeda, Dacwadan ayuu sheegay in dowladdu horay usoo bilowday si rasmi ahna loo furayo 13-ka bishan July maalinta Isniinta.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay xeer ilaaliyaha dowladda federaalka shirkado faro ku tiris ahaa oo ku sugnaa xuduud badeedka la isku haysto oo baaritaan shidaal kawaday, wuxuu xusay in dhamaantood ay iskaga baxeen ka dib markii ay shirar la qaateen ugana digeen in xeebaha Soomaaliya si sharci daro ah uga baaraan shidaal, Balse wuxuu sheegay in shirkad lagu magacaabo ENNI oo laga leeyahay Talyaaniga ay ka dhaga adaygtay joojinta howlaha ay ka wado xuduuda lagu muran sanyahay.
Xiriirka dowladda Kenya iyo Soomaaliya ee arrimaha muranka Bada ayuu Xeer Ilaaliyahu sheegay in ay joojiyeen sanado ka hor markii ay isku fahmiwaayeen shirar iyo kulamo laga yeeshay arrinkan, Isagoo xusay in uu jiro xiriir Diblumaasi hadana ay wadaan xiriir isdhaafsiga maxaabiista ee dhanka Burcadbadeeda iyo Al-shabaabka.
Hadalka Xeer Ilaaliyaha ayaa meesha ka saaray warar horay loo sheegay oo ku saabsanaa in dowladda federaalka ka tanaasushay dacwada si hoosana uga wada hadlayaan dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya.





