”’C/Qeybdiid” Puntland Waxay Aheyd Iney Soo Dhaweyso Midnimada Iyo Maamul U Sameynta Galmud,Balse Waa Nasiib Daro…….

0
540

Cabdi Xasan Cawaale Qeybbdiid Oo Kamid Ah Musharaxiinta Madaxtinimada Maamulka Galmudug ayaa wuxuu ka hadlay dibadbaxyada maalmahan ka dhacaayay deeganada Maamulka Puntland ee lagu diidan yahay dhismaha Maamulka Galmudug.

Sidoo Kale C/qaybdiid wuxuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay banaanbaxyada ka dhacaayay deeganada Puntland ee looga soo horjeedo Maamulka Galmudug, wuxuuna sheegay taasi bedelkeeda in laga rabay reer Puntland inay ku farxaan Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay C/qaybdiid durbaanka ay Puntland garaaceyso oo ah mid colaadeed in reer Galmudug aysan u baahneyn colaad oo ay doonayaan kuwada noolaanshaha nabadda iyo horumarka.

“Midnimada iyo Maamulka halkaan ka dhacay waxa ay aheyd inay soo dhaweysay Puntland, laakiin waa nasiibdaro inaan maqleyno durbaan la garaacayo oo ah durbaan colaadeed anaga colaad ma rabno nabad ayaan rabnaa walaalaheen sida ay u arkayaan oo ah dhibaato inay ku soo socoto anaga sidaasi uma aragno.” Ayuu yiri C/qaybdiid oo Saxaafadda la hadlay.

Tan Iyo Markii Ay Soo If Baxday In Maamul Ay Sameeysanayaan Dadka Kasoo Jeeda Gobolada Dhexe Ayaa Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo deegaano kale oo ka tirsan Puntland waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo Maamulka Galmudug, sidoo kalena meel looga dhacay Madaxda Dowladda Federalka Somalia Waxaana Banaanbixii ugu dambeeyay ee shalay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ka dhacay ayeey reer Puntland ku sheegeen in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu fiiso adag ku geli doono deeganada Maamulka Puntland.

Puntland ayaa dhibaato lasoo daristay u aragtay Maamulka Galmudug oo hada noqonaya maamul dhameystiran marka la doorto Madaxweynaha Maamulkaasi.