Jaaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan ayaa soo gaarsiisay culumada iyo guddiga gurmadka qoxootiga Yemen deeq lacageed oo dhan 35.000 oo dollar, taasi oo ay uga qayb qaadanayaan gurmadkaa loo samayaanaayo qaxootiga ka soo qaxay dagaalka ka socda dalka Yemen
Munaasabada lagu wareejinayay deeqdan lacageed oo lagu qabtay xafiiska mu’asasada Al-minhaaj ee Bosaso ayaa waxaa ka qayb galay madaxda mu’ssadda Al-minhaaj , gudiga gurmadka qaxootiga Yamen iyo qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed iyo wakiilka Jaaaliyada Cumaan ee deeqdan Ismaaciil Cabdi Salaan Warsame
Ismaaciil Cabdi Salaan Warsame oo ahaa wakiilka Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan u soo wakiiltay deeqdan oo ugu horeen munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan ay u soowakiisheen Jaaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan ugana talagaleen in ay ugu qayb qaataan taakulada iyo Gurmadka loo samaynayo shacabka Soomaaliyee ee ka soo qaxay dagaalka ka socda Yemen
Sheikh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ahaa culumadii ka qayb gashay xaflada ayaa Eebe uga baryay muxsiniintii Soomaaliyeed ee ugu deeqaday lacagtan in uu ka ajirsiiyo ,badal ka qayr badan ugu badalo Aduun iyo Aakhiroba
Sheikh Daahir Aw –Cabdi ayaa markale ugu baaqay bulshada Soomaaliya in ay ka qayb qaataan gurmadka loo samaynayo shacabka Soomaaliyeed ee ka soo qaxay dagaalka ka socda dalka Yeman ee soo gaarayo Bosaso kuwaasi oo u baahan gacan walaal tinimo
Gudoomiyaha gurmadka qaxootiga Yemen Shekh Axmed Yuusuf Daad ayaa munaasabada ka sheegay in ay la wareegeen 35,000 oo daalar taasi oo ay soo gaarsiiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Cumaan, waxaana uu xusay in aysan ahayn markii ugu horaysay ee deeq noocaan ah ay jaaliyada soo gaarsiiso
Waxa uu Sheekha ugu baaqay dowlada Soomaaliya in ay uga qayb qaataan lacagaha farahabadan ee lagu bixinaayo mooshinada gurmadka loo samaynayo shacabka Soomaaliyeed ee ka soo qaxaya dagaalka ka socda Yamen





