C/wali Gaas:”Gaalkacyo Waa Ciida Puntland Cid Iney Soo Weerarto Aan Kaga Baqeyno Ma Jirto,Dagaalna Diyaar Beynu U Nahay”.

0
477

C/wali Max’ed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa jawaab adag siiyay mid kamid ah waxgaradka deegaanada Khaatuma oo dhawaan sheegay in shirka magaalada Gaalkacyo uu yahay mid lagu burburinayo maamulka Khaatuma.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Gaas, ayaa sheegay in shirka magaalada Gaalkacyo uu yahay mid looga tashanayo aayaha deegaanada maamulka Puntland oo uusan aheyn mid duminaya dad kale Wuxuuna Sidoo Kale sheegay in shirkaasi uusan dulmineynin deegaanada ku xeeran, laakiin uu yahay mid looga tashanayo aayaha deegaanada Puntland.

Madaxweyne C/welli Gaas ayaa sheegay in magaalada Gaalkacyo ay kamid ah ciidda Puntland ayna u Dul qaadan doonin cid kasta oo isku dayda iney carqaladeyso shirka ka furmaya magaalada Gaalkacyo Isagoona sheegay iney dagaal isaga filan yihiin cid kasta oo isku dayda Iney weerar ku qaada magaalada Gaalkacyo.

“Gaalkacyo waa ciidda Puntland, cid aan kaga baqeyno inaan ka difaacano ma jirto, daagaalna diyaar ayaan u nahay, annagana cid aan duulaan ku nahay ma jirto”ayuu yiri C/welli Gaas Isagoo Ka Jawaabayey Hadalkaasi.