Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu geeryooday xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir oo dhaawac xoogan ka soo gaaray weerar maanta lagu qaaday xildhibaankan iyo xildhibaan Cabdalla Boos Axmed oo dhaawac fudu soo Gaaray.
koox hubeysan ayaa labadan Xildhibaan ku weeraray wada Maka Al-muk karama ee magaalada Muqdisho, waxayna si xoogan kooxdu rasaas ugu fureen gaariga ay la socdeen labadan xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dowladda federaalka.
Dableyda ayaa la sheegayaa in ay wateen gaari ku buufsan calaamadda Ambalaasta, iyadoona sidoo kale weerarkaasi uu ku dhaawacmay Darawalkii waday gaariga xildhibaanada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Pro Jawaari ayaa tacsi ka diray dilka xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir oo dhaawac culus u geeryooday, wuxuu gudoomiyahu alle uga baryey naxariista Alle ehelkiisa iyo qaraabadiisana samir iyo iimaan ka siiyo, Wuxuu isna caafimaad u rajeeyey xildhibaan Cabdalla Boos
Weerarada noocaan oo kale ah waxaa badanaa Muqdisho ka geysta Ururka Al-shabaab, balse ma jirto cid sheegatay.





