Dil Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Baydhabo Ay Ku Fulisay Nin Shababka Ka Tirsanaa.

0
489

Maxkamada  ciidamada Qalabka sida dowladda federaalka Soomaliya ayaa magaalada Baydhabo maanta ku fulisay xukun dil ah oo lagu fuliyey eedeysane Cabdulaahi Cumar oo lagu helay dambi ah in uu ka dambeeyey Gaari ku hor qarxay madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya sidoo kalan ka tirsanaa Al-shabaab.

Gudoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida, Saraakiil ciidan iyo madax ka socday maamulka Koonfur Galbeed ayaa goob joog ka ahaa fulinta xukunkan.

 

Xukunkan lagu fuliyey Cabdullaahi Cumar lagu dhawaaqay bartamihii bishii April mana uusan k qaadan wax rafcaan, Maxkamadu waxay markaa sheegtay in eedeysanaha la toogtay uu ka mid ahaa Al-shabaab howl galana ka fuliyey qaybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya.

Fulinta xukunkan dilka ayaa noqonaya mid kii ugu horeeyey oo maxkamada ciidamada qalabka sida ka fulisay magaalada Baydhabo tan iyo markii xafiiskeeda loo soo magacaabay Baydhabo sanad ka hor.