Qaramada Midowe Oo Walaacsan Fursada Shabaab Ay Ka Heli Karaan Dagaalada Yemen

0
481

Qaramada Midoobey ayaa ka digtey in dagaalada ka socda Yemen ay uga sii daraan xaaladda Soomaaliya isla markaana ay Soomaaliya yimaadaan kooxo  cusub ooJihaad doon ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo Golaha Amaanka  kala hadlaayey warbixinta Soomaaliya looga soo gudbiyey ayaa sheegay  in Soomaaliya iyo gobolkaba ay halis ku hayaan kooxaha maleeyshiyooyinka Islaamiga ah ka soo kow weerarada al-Shabab, wuxuu kale oo uu sheegay in dhibaatada ka taagan dalka Yemen ay halis sii galinayso gobolka in ay ka furmaan irdo kooxaha Jihaad-doonka ay ay ku galaan Soomaaliya.

Sidoo kale Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya u fadhiya Denjire Nicholas Kay ayaa Golaha Amaanka u sheegay in ugu yaraan 7000 kun oo qof oo qaxooti ah ay ilaa hada soo gaareen Soomaaliya kuwaas oo ka soo cararey dagaalada Yemen.

Dadka badankiis ayaa yimid magalooyinka dekaaha leh ee Bosaso iyo Berbera.

– Waxaan dooneynaa in aan si dhaw ula socono xaaladda, isla markaana aan awoodno in aan jawaab ka bixin karno haddii aan aragno caalamado muujinaya in al-Shabaab ay ka faa’ideysanayaan xagjiriinta Yemen, sidaas waxaa golaha Amaanka u sheegey Nick Kay.

Qaxootiga ugu badan ee ka yimid dalka Yemen ayaa u badan dadka Soomaali ah, inkasta oo ay jiraan kuwo u dhashey dalka Yemen oo kamid ah qaxootiga soo gaarey Bosaso iyo Berbera.

Maamulka Puntland ayaa sheegaya in xaaladdu ay gacantooda ka sii baxayso isla markaana aysan keligood xamili karin qaxootiga ku soo qul-qulaya Bosaso, waxaana ay caalamka ugu baqeen in gargar lala soo gaaro.

Dalka Yemen waxaa xoog ku leh ururka al-Qaacida gaar ahaan Koonfur Bari Yemen, waxay xiriir dhaw leeyihiin Ururka al-Shabaab oo horey ula mideeobay al-Qaacida, waxaana laga shakisan yahay in xasaradda ka taagan Yemen al.-Shabaab ay ka faa’ideystaan.