Guddoomiyaha Koofur Galbeed Shariif Sakiin Oo Qarax Ka Badbaaday.

0
749

Shariif Xasan Sheekh Aadan,Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa maanta ka badbaaday isku day lagu khaarajin lahaa, markii qarax loo dhigay kolonyadiisa, meel u dhow magaalada Afgooye.

Shariif Xasan oo maalmahan ku sugnaa degmada Afgooye iyo deegano kale oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ayuu qaraxu ku qabsaday inta u dhexeysa Carbiska iyo degmada Afgooye, wuxuuna ku jeeday deegaanka Lafoole uu doonayay inuu halkaasi kula kulmo dadka deegaanka.

C/qaadir Maxamed Nadara,Afhayeenka maamulka,Koonfur Galbeed ayaa BBC-da u sheegay in aysan jirin cid qaraxa wax ku noqotay, isagoo sheegay in miino dhulka lagu aasay ay sababtay qaraxaasi.