Magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud waxa si gaabis ah uga socda shir maamul loogu sameynayo gobollada dhexe ee Soomaaliya Iyadoona Maanta Shir ay degmada Cadaado ku yeesheen odayaasha dhaqanka ee shirka ka qeyb gelayay Waxayna ku sheegeen in Dowlada Xasan Sheikh ay ku dhaqaaqday cadaalad darro iyo maamuus xumo sidaasi daraadeedna ay ka fiirsanayaan in ay shirka kusii sugnaadaan iyo inkale.
Odayaasha Ka Soo Jeeda Qaar Ka Tirsan Beelaha Dega Gobolada Dhexe Ayaa Sheegay In Shirka Cadaado ka socda Uusan noqon karin mid guulaystay haddii Ay sidaan wax ku socdaan, Wexeyna dowladda Ku Eedeyeen In ergooyinkii shirka ufadhiyay Ay kusoo dul magacaabaysa ergooyin kale oo aan la ogeyn halka ay ka yimideen Sidaa Darteedna Aysan U Dulqaadan Karin Arimahaasi.\
Sidoo Kale Odayaashaasi Ku Xareysan Cadaado Ayaa Wasiirka arrimaha gudaha ku eedeeyay in uu musuq maasuq baaxad leh ka dhax wado odayaasha dhaqanka Masuuliyada Arintaasina Uu Leeyahay Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Max’uud.
Khilaafka u dhaxeeya odayaasha beelaha Ka Soo Jeeda Gobolada Dhexe iyo Xasan Gurguurte Ayaa waxaa kale oo jira ismariwaa u dhaxeeya siyaasiyiinta doonaysa in ay xubno ka noqdaan maamulka ladhisi doono, Waxaysa Dadka Ku Dhaqan Soomaaliya Iyo Caalamka Intiisa Kale Ay Ka Dhowr Sugayaan Halka Ay Sal Dhigato Siyaasada Cakiran Ee Ka Taagan Ximin Iyo Xeeb Iyo Gobolada Dhexe.





