C/wali Gaas Oo Nairobi Kula Soo Kulmay Safiirada Midowga Yurub, Maraykanka,Sweden & Hollan,Dibna Ugu Soo Laabtey Garwe.

0
486

Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dawladda Puntland oo hada ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa halkaas kulamo kula qaatay safiirada Midowga yurub, Maraykanka, Holland , Sweden iyo madax sare oo katirsan Bankiga aduunka.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli Gaas ayaa dhammaan madaxda uu la kulmay kala hadlay arrimaha amaanka Puntland iyo sidii ay taageero qalab ciidan oo casri ah Puntland u siin lahaayen , waxaana uu u sheegay in muhiim tahay taagerada ay balan qaadan inay ka dhabeeyaan.

Madaxda Beesha caalamka ayuu sidookale Madaxweynuhu ka dalbaday in taageero deg deg ah la soo gaaraan qaxootiga ka imaanaya Yemen oo ay Puntland kaalin mugleh ka qaadatay dejinta iyo soo dhaweyntooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Puntland ay ka dhabaysay balanqaadkii ahaa in qaxootiga ka imaanaya Yemen Puntland soo dhaweynayso iyadoo la dhowrayo sharaftooda , qiyamkooda iyo amnigooda.

Madaxweyne Gaas iyo Wafdiga kuwa helaya ayaa maanta ka soo amba baxaya magaalada Nairobi waxayna dib ugu laabanayaan caasimada Puntland oo qaban qaabada soo dhaweynta ku sacoto.