Sida Ay Sheegayaan Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan halka dhacdadu ay ka dhacday in Raggii weerarka geystay ay ka baxsadeen goobta, Waxaana muddo kadibna Goobta Dilka Uu Ka Dhacay soo gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda oo meydka sarkaalka goobta ka qaaday Iyagoona U Kaxeeyey Dhanka Villa Somalia.
Al Shabaab ayaa Sheegatay weerarka Lagu Dilay Sarkaalka Waxayna sheegteen in ciidankeeda howlgalka ka wada muqdisho ay fuliyeen weerarka ayna dileen sarkaalka oo in muddo ah lagu daba jiray Sida Uu Xaqiijiyey Mid Ka Mid Ah Saraakisha Al-shabaab.
Dhinaca kale Wali Wax War Ah Kama Soo bixin Dhanka Dowlada Kaasoo Ay Kaga Hadlayaan Dilka Col.C/qaadir Sabriye Kaasoo lagu dilay degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho .
Dilka Sarkaalkani Ayaa Waxa Ay Imaaneysaa Xilli Amaanka Magaalada Muqdisho Ay Faraha Kasii Baxayso Iyadoona Maalma ka hor ay aheyd markii qarax khasaara dhaliyay lagu Weeraray maqaaxi ku dhaw villa Somalia oo ay ka cunteeyaan saraakiisha Dowladda waxaana kasii horeeyay weeraradii lala beegasaday hoteelka makka almukarama iyo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.





