Wararka naga soo gaaraya deegaanada waqooyi bari ee dalka Kenya gaar ahaan inta u dhaxeysa Mandheera Iyo deegaan lagu magacaabo Al Carabiya waxaa ka dhacay weerar ay fuliyeen rag hubeysan oo jidka u galay gaari Bas ah oo ay saarnaayeen dad rakaab ah.
Wararka ayaa intaas ku daray in ragga howlgalka fuliyay ay gaariga baaritaan ku sameeyeen kadibna ay lasoo dageen mas’uul ka tirsanaa maamulka Kenya u qaabilsan degmada Mandheera iyo deegaano hoos taga.
Raggii weerarka qaaday ayaa lasoo sheegayaa inay wateen mas’uulka ayna iska fasaxeen gaarigii ay saarnaayeen dadka rakaabka ahaa,lama oga ilaa iyo hadda halka lala aaday ma’suulka kenya ka tirsanaa dowladda Kenya iyadoo wax faah faahin ah aan laga hayn cidda ay yihiin ciidanka howl galka fuliyay.
Warbaahinta dalka kenya oo soo xiganeysa masuuliyiin dhanka amniga ah ayaa xaqiijiyay inuu jiro weerar lagu afduubtay sarkaal ka tirsanaa maamulka Mandheera ee dhulka xoogga looga heysto soomaalida NFD.






