Degmada Dayniile iyo Degmada Milaano ee Dalka Talyaaniga oo la mataaneenayo Warbixin

0
567

Gudoomiyaha degmada Dayniile, Ciise guure oo ay wehliyaan, ku-xigeenkiisa dhanka Arimaha Bulshada, Maxamed Cabdulqaadir Cali (Jacfar) iyo Ku xigeenka dhanka amaanka, ayaa waxa ay qado Sharaf ugu sameeyeen hotel Tropical ee degmada Dayniile ganacsato Talyaani ah oo booqasho ku tegay degmada Dayniile.

Qada Sharafta kadib ayaa kulan muhiim ahaa oo ay yeesheen ganacsatada oo kala ahaa Lino D’Amore oo ah gudoomiyaha ururka Ganacsiga ee Dunida Midowday iyo Bosco Pasquale iyo maamulka Degmada waxaa leeskula jeexjeexay arima badan oo ay kamid yihiin degmada Dayniile sidii loo hor mari lahaa.

Lino D’Amore ayaa ugu horeyn waxa uu aad ugu riyaaqay dadaalka uu wado gudoomiyaha da’da yar ee degmada, waxa uuna sidoo kale sheegay in uu aad ugu farxay qaabka ay degmadu ugu wanaagsantahay in la maal geliyo hadii ay ahaan laheyd beereysiga, guryenya iyo dhanka Warshadaha.

Ganacsatada ayaa waxa ay il gaar ah ku eegeen hotelka Tropical ee kulanku ka dhacay kaas oo uu leeyahay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Cali Jiisow, oo ka qeyb qaatay sara u qaadida bilicda degmadu ay leedahay.

Gudoomiyaha ururka Ganacsiga ee Dunida Midowday ayaa waxa uu balan qaaday laba arimood oo muhiim u ah degmada Horumarinteeda.

In ay maal gelinayaan degmada

In maamulka degmada Milan ee ay ka yimaadeen ay kala shaqeyn doonaan mataaneynta labada degmo.

Gudoomiye Ciise ayaa dhankiisa waxa uu ganacsatada uga mahadceliyay qorshohooda ah maal-gelinta iyo qorshaha mataaneynta degmooyinka ee ay horboodayaan waxa uuna dhankiisa balan qaaday in maamulkoodu uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doono qaabkii dhaqan gal ay u naqan lahaayeen dhamaan howlada leesla soo qaaday.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ambassador Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari), Murashaxa Madaxweynaha ee gobalada dhexe Soomaaliya kaas oo dhankiisa soo dhaweeyay mataaneynta degmooyinka iyo maalgashiga ganacsatadu ay ku sameynayaan degmada kaas oo uu sheegay in ay kamid tahay horumarka baaxada leh ee la tiigsanayo