Waxaa shalay Magaalada Muqdisho booqasho taariikhi ah markii labaad ku yimid Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ,waxa uuna xariga ka jaray Mashaariic dhoor ah oo Dowladiisu ka fulisay Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sidoo kale balan qaaday mashaariic hor leh ay qorsheenayaan in ay kafuliyaan gudaha Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho sida in qalab casri ah la keeno dakada Magaalada Muqdisho.
Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Dowladiisa mudo labo sanado gudahood ay Magaalada Muqdisho ka hirgalineyso dhismaha 10-kun oo guri si ay uga qeyb qaataan bilicda caasimada Muqdisho.
Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Turkiga iyo Dowladiisa mashaariicda kala duwan ay dalka ka fuliyeen iyo kuwa cusub ee hada uu balan qaaday Madaxweynaha Turkiga sida dhismaha 10-kun oo guri.
Waxa ay ku tilmaameen wax lagu farxo Shacabka Muqdisho Mashaariicda kala duwan ee Dowlaa Turkiga ka fulisay Magaalada Muqdisho iyo mashaariicda kale ee hada laga sugayo Dowlada Turkiga in ay ka fuliso Caasimada Soomaaliya.
Dowlada Turkiga ayaa kaalin muuqata ka qaadatay taageerida iyo u gar gaarida Shacabka Soomaaliyeed, waxaana mudo sanado kooban ah Turkiga ay Magaalada Muqdisho ka fuliyeen mashaariic kala duwan sida Dhismooyinka Wadooyinka Muqdisho, Isbitaalo, iyo Goobo Waxbarasho





