Yaa ku faraxsan In dib-u- soo laabTo Wasiirka War-faafinta Mustaf Dhuxuloow?

0
511

Golaha Wasiirada cusub oo lafilaayo in uu sow magacaabo dr cumar c/rashiid malagayaabaa in uu mar sadaxaat uu ku sow laabto Mustaf Dhuxoloow oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda War-faafinta Soomaaliya,
Inkastoo weriyayaashu ey ogen in uu ku sow laabto musdaf dhuxulow golaha wwasiirada cusub o uu sow magacaabi downo cumar c/rashiit waxaa muuqda in aysan waxba iska bedeli doonin Wasaaradda War-faafinta marka laga reebo balanqaadyo uu usameeyay shaqaalaha Wasaaradda oo ahaa in haddii wasaaradda lagu sooceliyo uu wax badan ka bedeli doono Idaacadda iyo TV-ga Qaranka.

Mudane Dhuxuloow ayaan marnaba looga fadhin in muddada uu hayo xilkaani ay wax iska bdelidoonaan xilalka ay dhaxalka u heystaan Maamulka TV-ga iyo Idaacadda Dowladda kuwaasoo qaarkood ayba iskuheystaan in qalabka iyo dhismahaba ay iyagu leeyihiin.

Shaqaalaha Wasaarada War-faafinta ayaa gacan ka geeystay in Wasiirka Xaafiiskiisa lagu sooceliyo waayo waxaay cabsi ka qabeen in Wasiirkale inta la soomagacaabo uu Xilalka ka qaado Madax ay kamidyihiin C/raxiin Cadoow, C/raxmaan Al-cadaala iyo Bahlaawi oo ah shaqsiyaadka is leheysiiyay Waaxaha war-baahinta Dowladda.
Sidoo kale waxaa iyana sii socon doona cadaadiska ay kadanbeeyaan Shaqsiyaad kujira Maamulka War-baahinta dowladda ee laguhayo idaacadaha madaxbannaan ee Magaaladda Muqdisho kajira.

Waa run in Wasiir Dhuxuloow yahay shaqsi caawinaad badan oo jecel in wax wayn uu kabedelo xaaladda ay kusuganyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed eek u dayacan wadooyinka Magaalada ,balse dhinaca war-faafinta waxaa jira dhaliilo badan oo suxufiyiintu ay usoojeediyaan kuwaasoo laxiriira aragtidiisa ku aadan War-baahinta xorta ah.