Mid ka mid ah wadamada dhaqaalaha leh ee Islaamka kuna yaala qaarada Asia ayaa waxaa la xajiiyay in ciidamadiisa ay yihiin kuwo aad u hubeeysan waliba ku hoowlgala Taangiyo casri ah iyo hubka nuucyadiisa kala duwan .
Dalkaan oo ah wadanka Malaysia waxaa ciidamadiisa loogu yeeraa (The Royal Army of Malaysia) waana wadan dhaqaalo leh oo sanadihii ugu dambeeyay hub iyo Diyaarado fara badan gacantiisa ku sameeystay. Dalka Malaysia ayaa lagu tiriyaa wadan Dhaqaalo xoogan leh oo dadkiisu ay u badan yihiin muslimiin .
Shacab aad u fara badan oo dunida Islaamka ka kala yimid ayaa ka shaqeeysto gudaha wadanka Malaysia balse waxaa sidoo kale u soo shaqo tago dadyoow ka yimid qaarada Asia gaar ahaan wadanka Shiinaha









