Odayaasha Dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye, ayaaRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa ay kula taliyeen inuu soo dhiso Xukuumad tayo leh, kadib
markii Baarlamaanka Soomaaliya ay ka horyimaadeen Xukuumaddii 12kii Bishan uu soo dhisayRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Maxamed Xasan Xaad Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Iyo midnimada Beelaha Hawiye,
ayaa wuxuu tilmaamay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu soo dhiso Xukuumad laga fekeray oo
shacabka Soomaaliyeed u shaqeysa.
Wuxuu sheegay hadii ay yihiin Odayaasha Dhaqanka, mar waliba ay tixgelinayaan fekerada iyo aragtida madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse muhiim ay tahay ayuu yiri in la eego danta guud oo laga tago mida gaarka ah.
“Si wadanka dowlad uu u helo Ra’iisul Wasaaraha iyo Madxweynaha anagoo garab taagan
fekerkooda iyo dadaalkooda soo dhaweynayna hadana ay ka fekeraan wax un dadka wax u
taraayo, Baarlamaanka iyo Bulshada ay ku qancin karaan, Baarlamaanka wax ha fududeeyaan
mida qaaska mida caamka halaga horumariyo”Ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hada ku mashquulsan wax ka bedelida Xukuumadda, maadaama ay diideen Xildhibaanada Baarlamaanka
Soomaaliya inay ansixiyaan Xukuumada, taasina ay keentay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku dhawaaqo inuu dib u habeyn ku sameynaayo Xukuumadiisa.
Dowladda Xasan Sheekh oo oo wax ka yar 2sano ay u harsan yihiin, ayaa la kulmaysa caqabado badan iyo dhaliilo kala duwan oo kaga imaanaayo
Bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta,
Ayadow Aan Ognahay In Wariyaal somaliyed Oo si sharci Daro ah ey Ugu Xeranyihiin Dowlada Uu madaxwenaha Kayahay Xasan sh maxamuud Mudda Kabadan 5 Bilood





