Deegaanka Xaawo Cabdi ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa Wararka ka imaanaya sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo lala eegtay gaari uu la socday Masuul katirsan Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.
Qaraxa ayaa lala eegtay gaari uu watay Cali Cadow oo ahaa Xoghayihii Degmada AFgooye sidoo kale ahaa Gudoomiyaha Guddiga Qilaafaadka Degmada Afgooye , waxaana Wararka aan heleyno sheegayaan in qaraxaan uu ku dhintay Masuulkan lala eegtay.
Dhaqtar ka howlga Isbitaalka Xaawa Cabdi ee Duleedka Muqdisho kuyaala ayaa Warbaahinta u sheegay in qaraxa ay ku dhinteen Xoghayihii Degmada Afgooye iyo labo askari oo lasocotay, waxaa sidoo kale jira dhaawacyo kale oo ka dhashay Qaraxaasi.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in gaariga qaraxa lala eegtay uu soo gaaray bur bur xoogan laguna arkay goobta uu ku qarxay hilbo go’ go’ay, dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa qaarkood la dhigay Isbitaalka Xaaw Cabdi halka kuwa kalana la sheegay in Muqdisho loo soo qaaday.
Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa durba u gurmaday halka uu qaraxu ka dhacay kana qaaday goobtaasi meydadka dadkii ku dhintay, ma jirto ilaa hada cid sheegatay Masuuliyada qaraxa lagu dilay Masuulkaan katirsan Maamulka Afgooye





