Dagaal Nuciisu ahaa mid Culus Una Dhaxeya Amisom & Alshabaab oo ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

0
502

Wararka Inaga Sow Garaaya Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay Dagaal culus oo u dhaxeeyay Dagaalyahano katirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Ciidamada AMISOM.

Dagaalka ayaa ka dhacay sida dadka deegaanka xaqiijiyeen halka lagu magacaabo Arbacow oo katirsan Deegaanka Ceelasha biyaha, Dagaalka ayaana qarxay xili ay inta badan dadku hurdayeen oo saqdhaxe aheed.

Haweeney kamid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta u sheegtay in dagaalka Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ay isku adeegsadeen hub aad u culus, waxa ayna intaasi raacisay in markii rasaastu istaagtay kadib ay Ciidamada AMISOM ay bilaabeen duqeyn culus.

Lama oga ilaa hada qasaaraha ka dhashay Dagaalka xalay ka dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha, sidoo kale ma jirto cid ka hadashay dagaalkaasi oo katirsan Ciidamada AMISOM iyo waliba Dagaalyahanada Al-Shabaab oo iyagu weerarka qaaday.

Deegaanada Duleedka ka ah Magaalada Muqdisho oo fariisimo ku leyihiin Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM waxaa mararka qaar ka dhaca Weeraro gaadmo ah ay halkaasi kusoo qaadaan Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab.