Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne oo xabsiga la dhigay

0
530

Warar ey Goor dhaw Heshay Warsom.com Ayaa Shegaaya in gudoomiyaha degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir la xiray iyo sidoo kale laxeray ku xigeen kiisa dhanka arrimaha bulshada iyadoo lagu eedeeynayo inay sameeyeen musuqmaasuq gargaar loogu talo galay ciidamada naafada xooga dalka.

Wararka ayaa intaasi ku daray in labada masuul lagu xiray amar kasoo baxay ku xigeenka xeer ilaalinta qaranka ee Dowlada Soomaaliya

Sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta qaranka ayaa xiray ganacsato la sheegay inay iibsadeen raashiinkaasi iyo dad la sheegay inay u kala dalaalayen ganacsatada iyo masuuliyiinta la xiray.

Shalay ayay ahayd markii xafiiska xeer ilaalinta qaranka ee Dowlada Soomaaliya uu shaaciyay iney ku raad joogaan Masuuliyin ka tirsan Dowlada iyo ganacsato lagu eedeeyay iney musuqmaasuqeen gargaar loogu tala galay dad tabaaleysan oo ku nool Magaalada Muqdisho.