Baaris iyo dabagal dheer ey samesay warsom.com kadib waxaa noo soo baxday in afar Wasiir ay sabab u noqdeen Xaalada Siyaasdeed ee hada taagan iyo in la mucaraado xukuumada Cusub , waxa ayna Wasiiradaasi kala yihiin ,Wasiirka Cadaalada Faarax Cabduqaadir , Wasiirka Arimaha Gudaha , Wasiirka Amniga Cabdulaahi Sanbaloolshe iyo Wasiirka Maaliyada.
Faarax Cabduqaadir, waxaa kasoo horjeeda inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya in uu mar kale wasiir ka noqdo Xukuumada Cusub, waxaa sidoo kale ninkan mucaaradsan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo indheergaradka kuwaa oo tilmaamay in Faarax uusan xiligan mudneen in Golaha Wasiirada lagusoo daro maadaama uu sabab u ahaa in ay dhacaan labadii xukuumad ee tan ka horeeyay.
Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo isna hada loo MagacaabayWasiirka Arimaha Gudaha horeyna usoo noqday Wasiirka Amniga ayaa mucaarad badan ku leh Baarlamaanka Dhaxdiisa waxaana kasoo horjeeda Xildhibaanada ugu badan kuwaa oo ku tilmaamay nin ku fashilmay siyaasada xiligaana aysan macquul aheen in lagu soo daro Golaha Wasiirada.
Cabdulaahi Sanbaloolshe Wasiirka Cusub ee Amniga Qaranka, waxaa isna kasoo horjeeda Xildhibaanada ugu badan Baarlamaanka ,kuwaa oo ka cabsi qaba Masuulkan hadii uu xilka qabto in uuxiro ama uu handado sidii horey u dhacday intii uu ahaa Taliyihii Nabad Sugida, waxaa sidoo kale Sanbaloolshe kasoo horjeeda inta badan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.
Xuseen Cabdi Xalane Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya waxaa kasoo horjeeda Xildhibaanada Beesha Daarood iyo xildhibaano kale oo katirsan Baarlamaanka, kuwaa ku eedeeyay in Xalane uu qeyb ka qaatay in la rido xukuumadii hore uuna kamid yahay raga saaxiibka dhaw la ah Madaxweynaha kuna shaqeeya Siyaasada Ururka Dam-Jadiid.
Wasiiradan Jagooyinka Muhiimka ah loo dhiibay lana mucaardasan yahay ayaa intooda badan waxa ay yihiin rag saaxiib dhaw la ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , waxa ayna xubnahan sabab u ahaayeen in la rido labdii Ra’izul Wasaare ee ka horeeyay Cumar Cabdirsahiid.
Ra’izul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa la filayaa in uu isbadal kusameeyo Golihiisa Wasiirada uuna meesha ka saaro wasiiradan laga soo horjeedo iyo Wasiiro kale oo iyana xilkooda la isku heesto.





