Cali Cabdallah Saalax Oo Lagu Eedeeyey Inuu Khal Khal Ku Hayo Dowlada Yemen,Iyo Hanjabaad Kaga Timid Mareynka.

0
510

File photo of Yemen's President Ali Abdullah Saleh pointing during an interview in SanaaMadaxweynihii Hore Ee dalka Yemen Cali Cabdallah Saalax oo weli awood badan kulleh dalka Yemen ayaa lagu eedeeyey inuu ka danbeeyey qorshihii Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta ku qabsadeen magaalada caasimada ah ee Sancaa, kadib markii Cali Cabdallah Saalax uu amar kusiiyey ciidamada iyo saraakiisha weli ka amar qaata inay wadada u baneeyaan xuuthiyiinta.

Cali Cabdallah Saalax ayaa si weyn uga soo horjeeda dowlada xilka heysa, wuxuuna u adeegsanayaan qaar kamid ah Sarakiisha Ciidamada Yemen oo weli isaga ka amar qaata iyo waliba qaar kamid ah Qabaa’ilka awooda badan kuleh dalkaasi Yemen.

Cali Cabdallah Saalax ayaa hada loogu baaqay inuu isaga baxo dalka Yemen hadii kale la saari doono cunaqabateyn gaar ah oo laga xanibi doono dhaqaalaha dibada u yaal iyo weliba inuu safar dibada ugu baxo.

Balse Cali Cabdallah Saalax ayaa bartiisa Twitterka ku qoray inuusan jirin qof ka saari kara Yemen.