Ku Dhawaad 140 Xildhibaan Oo Saxiixay Mooshin Ka Dhan Ah R/W C/wali Sheikh.

0
491

xilKa Gadaal Markii Uu Soo Ifbaxay khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud iyo Raiisul Wasaare Abdiweli Sheikh Ahmed Ayaa Waxaa Jirtay Ukala Safasho Labada Dhinac Ah Oo Sameeyeen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Mooshin ka dhanka ah Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa loo gudbiyay baarlamaanka Soomaaliya. Ilaa iyo 140 xildhibaan ayaa saxiixey mooshinka..

Khilaafka ayaa shaley cirka isku sii shareerey markii koox ka tirsan baarlamanka ay gudbiyeen mooshan ay doonayaan in codka kalsoonida loogu qaado raiisul wasaaraha.

Horaantii toddobaadkan beesha caalamka ayaa walaac ka muujisey khilaafkaasi, iyadoo xubnaha baarlamankana ay ku kala qeybsan yihiin qaabka loo wajahayo xal u helista mushkiladdan taagan.