
shir uu maanta ku yeeshey xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed uuna shir gudoominayey kusimaha gudoomiyaha xisbiga ahna gudomiye kuxigeenka xisbiga m.j.s md Cali maxamed Nuux timajilic ayaa lagaga hadley qodobo xasaasi ah,waxaana dood iyo falaqeyn kadib shirka laga soo saarey qodobadan;
1 X.M.J.S wuxuu caddeynayaa in shirarka ka kala furmey kismaayo iyo baydhabo aysan aheyn shirar dib u heshiisiineed balse ay yihiin kuwo ay abaabuleen gadaalna ka riixayaan cadawga umadda soomaaliyeed,isla markaasna ay kasoo socdaan dagaallo sokeeye oo salka ku haya xuduudaha gobollada iyo awood qeybsi muran ku jiro oo u dhaxeeya beelaha wada dega gobolada qaarkood.
2 X.M.J.S wuxuu cambaareynayaa kufsiga iyo jawr falka ay ciidamada midawga afrika qaarkood kula kaceen gabdhaha soomaaliyeed,waxaana umadda soomaaliyeed meel ay joogtaba laga codsanayaa in ay arinkaas ka dhiidhiyaan banaanbaxyo waaweyna ku muujiyaan dareenkooda.
3 X.M.J.S wuxuu wax laga xumaado oo aan la aqbali karin ku tilmaamayaa lix kun oo shaqaale muruqmaal laga saaro shaqaadoodi iyadoo booskoodi lagu maslaxey shirkad ay asalkeeda leeyihiin mucaaradka dalka Turkiga ee BKK taas oo aan aheyn mid dadka soomaaliyeed yeeli doonaan.
4 X.M.J.S wuxuu xukuumada DR Cabdiweli SH. Axmed ka codsanayaa in xoriyadooda dib loo siiyo milkiilaha idaacadaha SHabeele iyo SKY radio cabdimaalik yuusuf maxamuud iyo sadex wariye oo ku xiran xabsiga dhexe ee muqdisho,isla markaana loo ogolaado iyga iyo qalabkoodaba in ay dib u hawl galaan iyagoo dhawri doona xeerka iyo anshaxa saxaafada soomaaliya.
5 X.M.J.S wuxuu ugu baaqayaa Q.midoobey,midawga yurub,afrika ,shirkadaha ganacsiga N.G.O yada iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta in la taageero dadka ay abaaraha ba’ani ku dhufteen kuwaas oo u baahan gargaar deg deg ah.
iyadoo ugu danbeyntii soomaalida loogu baaqey in ay midnimada iyo wadajirka ilaashadaan,wuxuuna shirku kusoo dhamaadey jawi hagaagsan iyo afgarad.




