Gaari Cabdi-Bile Ah Oo Qarax Lagula Eegtay Agagaarka Warshadda caanaha

0
603

bileGaari nooca dagaalka ah oo ay la socdeen Ciidanka Dowladda Somaliya, ayaa waxaa qarax lagula eegtay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur maaliyadeedba uu geystay.

Gaariga oo noociisu uu ahaa Cabdi Bille, ayaa askar ka tirsan Militariga waxay ka soo raacday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga, wuxuuna qaraxu ku haleelay halka loo yaqaano Warshadda Caanaha.

Ugu yaraan laba ka mid ah Ciidanka Militariga, ayaa la xaqiijiyay inay ku dhimataya qaraxaasi, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay, iyadoo ay jiraan dad rayid ah oo ka ag-dhawaa halkaasi oo qaraxa ku waxyeeloobay.

Gaariga uu qaraxu haleelay, ayaa sidoo kale waxaa ka soo gaaray burbur, hawlgal laga sameeyayna halka uu qaraxu ka dhacayna, waxaa lagu soo qab qabtay tiro dad ah, oo lala xiriirinaayo mintidiinta Al Shabaab.

Laamaha ammaanka kama aynaan hadlin qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga haggo, iyadoo ay xusid mudan tahay in laamaha ammaanku aysan inta badan ka hadlin falalka liddiga ku ah ammaanka.

Halka uu maanta qaraxu ka dhacay, ayaa waxaa laba bilood ka hor qarax miino lagula beegsaday kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe), inkastoo uu ka badbaaday. Waxaana masuuliyada qaraxaasi sheegtay Shabaab.