
Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa xalay waxa ay dagaal xoogan kusoo qaadeen Degmada Qoryooleey ee Gobalka Shabeelaha hoose, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Degmada Qoryooleey
Dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Qoryooleey ayaa dadka deegaanka, waxa ay sheegeen inuu ahaa mid aad u culus oo ay maqlayeen dhawaqa rasaas culus iyo madaafiic la isweydaarsanaayo.
Ciidamada Shabaab ayaa qoryaha garabka laga rido iyo sabano ku ekeeyay fariisimo ciidamada Amisom ay ku leeyihiin duleedyada Degmada Qoryooleey, halka ciidamada Amisom dhankooda ay ridayeen qoryo culus oo dadka argagax geliyay.
Waxaan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay dagaalkii cuslaa ee xalay ay kusoo qaadeen Shabaab Degmada Qoryooleey.
Al Shabaab oo maalin ka hor laga qabsaday Degmada Buulo mareer, ayaa sheegay inay ku sugan yihiin duleedka Degmadaasi, gaar ahaan deegaanka Golweyn oo udhaxeeya Qoryooleey iyo Buulo Mareer.
Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Degmada Qoryooleey, ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan dagaalka culus ee xalay ka dhacay Degmadaasi Qoryooleey.
Weerarka xalay Shabaab ay kusoo qaadeen Degmada Qoryooleey, ayaa umuuqday mid Xoogaga hubaysan ay kusoo bandhigayaan inay jirto weli awood ciidan oo ay ku dagaalamaan.




