
Ururadaan Oo Maanta Shir Ku Yeshay Magaalada Muqdisho Ayaa Soo Saarey Qoraal Ku Socda Qaramada Xafiiskiisa Soomaaliya,Midowga yurub,Midowga Africa,IGAD,Iyo Ciidamada AMISOM Taasoo Ay Ku Sheegeen Cabashooyin Iyo Tacadiyo Ka Dhan Ah Xuquuqda Aadanaha Xuriyatul Qowlka Iyo Xisbiyada Siyaasadeed Waxayna Kaga Cabanayaan Xukuumada Uu Hogaanka U Hayo Raìisul Wazaare CéWali Shiekh.
Sidoo Kale Urada Ayaa Waxa Ay Xumkuumada Ku Eedeyeen In Ay Marin Habaabineyso Siyaasada Iyo Jidkii Loo Idmaday Ee Dimuqraadiyada Iyo Nadaamka Xisbiyada Iyagoo U Muuqda In Ay Waqtiga Ku luminayaan Waxaan jirin Si Ay Waqti Kororsi U Helaan Ama Ay Ku Shubtaan Doorasho Macmal Ah oo Aan Dadkoo Idil Ka Qeyb Qaadan.
Xukuumada Ayaa Waxaa Kaliya Isku Koobay Koox Gaar Ah Waxayna Hadda Ku Mashquulsanyihiin Maamul Goboleeedyo Ay Rabaan In Ay Wada Qeebsadaan Iyagoona Doonayaan In Ay Kaligood Sameeyaan Gudiga Doorashooyinka Sanada 2016-da.




