Kooxo hubeysan ayaa waxay weerar ka geysteen maanta oo Axad saldhig ciidamada booliska ay ku leeyihiin magaalada Mandheera ee dalka Kenya, waxaana la sheegayaa inay burburiyeen dhismo goobta ku yaalaay, kahor inta aysan iska cabin kala kulmin ciidamada amaanka.
Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa sheegay in qasaaro uusan ka dhalan weerarka kaasi oo ka dhacay xarunta maamulka ciidamada booliska ee deegaanka, waxaana la ogeyn qasaaraha dhabta ah.
Booliska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha ay iska cabin kala kulmeen ciidamada dowlada Kenya, waxaana la sheegay gantaalo ku tureen dhismaha oo ku yaala xuduuda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa rasaas xoogan iyo hubka garbaha laga tuuro la isku adeegsanayay dagaalka u dhaxeeyya kooxaha weerarka geystay iyo ciidamada booliska oo socday muddo 40 daqiiqo.
“Waxay ka baxsadeen goobta markii ciidamada ay la wareegeen dhismaha, ma jiro dhaawac laakiin waxaa jiro burbur ka dhashay weerarka”sidaasi waxaa yiri sarkaal booliska ka tirsan.
Dagaalka ayaa la sheegay in markii dambe ay ku biireen ciidamo kale oo la sheegay inay ka caawiyeen in kooxta laga saaro kooxihii weerarka ka geystay saldhiga ku yaala magaalada Mandheera, oo la sheegay inay Alshabaab ahaayeen.
Weerarkaan ayaa la sheegay inuu yahay midkii ugu dambeeyay oo ciidamada ALshabaab ay ku burburiteen dhismooyin goobta ku yaalay.
Kooxaha weerarka qaaday ayaa la sheegayaa in loo malaynayo inay Alshabaab ka tirsanaayeen kuwaasi oo weerar labo jeer xafiiska gudoomiye deegaanka ah, waana markii afaraad oo weerarka uu ka dhaco degmada Mandheere ee dalka Kenya.




