Wasaaradda Amniga Dalka Oo Soo Bandhigtay Qasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Godka Jilacow.

0
740

qarax
Maxamed Yuusuf Cusmaan Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa waxaa uu Warbaahinta kula Hadlay goobta uu manta ka dhacay weearar ay Geysteen Al-shabaab, ayaa sheegay in ay halkaas ku dhinteen 11 qof oo ay ku Jireen 7 Al-shabaab ah oo weerarka qaaday, 3-Askarta Dowladda ah, iyo 1-qof shacab ah oo goobta marayay.

Sidoo Kale Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay in ay Wasaaraddu ka warheysay weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab, sidoo kale Afhayeenka ayaa Saxaafadda usoo bandhigay hub sida uu sheegay ay ka dhinteen nimankii halkaas lagu dilay ee Shabaabka ahaa.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom Wariye Ka Tirsan Oo goobta tegay aya sheegaya in uu Arkayay in ku dhowad 5-ruux oo shacab ah oo dhaawacantay Xoolo dhintay, goobta oo Muuqaalkeedu isbedelay lana Arkayay Dhiig iyo Madoobaad derbiyada meesha ku Haleysan, dadka dhaawacmay ayuu sheegayaa in y ugu Darantahay haweeney da’ ah oo ka mid ah dadka degmada Boondheere.