Ciidamada Midowga Africa oo ay weheliyaan kuwa dowladda Somalia ayaa maanta qabsaday degmada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii saaka waabarigii ay qaadeen howlgal ciidan.
Afhayeenka Ciidamada Amisom Col: Cali Xaamud ayaa sheegay in askari ka tirsan Amisom oo u dhashay dalka Uganda uu ku dhintay howlgal laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Xaamud wuxuu sheegay in ciidanku ay xalay saqdii dhexe qaadeen howlgal la magac baxay “Badweynta Hindiya” oo ka dhanka ah goobaha ururka al-Shabaab uu ka haysto gobolka Shabeellaha Hoose.




