Xaaladda Bini’aadamnimo Ee Soomaaliya Oo Laga Dayrinayo

0
459

Maanta waxaa dunida Laga xusay Maalinta Bini’aadamnimada Adduunka, maalintaas oo loo asteeyay in lagu maamuuso dadka naftooda halista u galiya inay dadkale caawiyaan.

Qaramada Midoobay, ayaa ku boorisay bulshada caalamka iney si deg deg ah uga jawaabaan dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya, ka hor inta aanay isu badelin musiibo la mida tii dhacday 2011-kii, markaasoo ay Soomaaliya ku dhufatay macluul ay dad badani ku dhinteen.

Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobey 1.1 milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya, waxayna intooda badan ay dadkaasi ku nool yihiin xeryo ku yaala magaalada Muqdisho.