Kooxo Hubeysan Oo Rasaas La Dhacay Gaari Rakaab Ah Oo Ku Sii Jeeday Degmada Baraawe Kadibna Dab Qabadsiiyey.

0
446

gaari
Gaarigaani Oo LA Sheegay In Uu Ku Sii Jeeday Degmada Baraaw Ee Gobolka Sh/Hoose Ayaa Kooxo hubaysani Waxa Ay La Dheceen rasaas Kaasi oo marayay nawaaxiga lambar 60 waxaana la sheegay gaarigaan oo marayay meel ku dhaw Masaajidka Lambar 60 in kooxo hubaysan oo qoryaha fudud wata ay rasaas la dhaceen, kadibna gaariga markii uu istaagay baarasho ay kula dhaqaaqeen Kadibna Dab Qabad Siiyey.

Rasaasta ay ku fureen gaariga waxaa ku geeriyootay gabar yar oo afar sano jirtay oo ay haleeshay xabadaha ay soo rideen kooxaha naxariislaawayaasha ah ee gaariga rasaaseeyay.

Markii ay baarteen gaariga oo ay ka qaateen rakaabkii wixii lacag iyo agab ay wateen, ayeey gubeen gaariga oo gabi ahaantiisa goobta ku bas-beelay, nooca gaarigana wuxuu ahaa Homy/Caasi.

Guddoomiyaha deegaanka Shalaambood Cismaan Nuur ayaa sheegay in dadkii rakaabka ahaa ay duurka ku kala firxadeen iyaga oo argagax iyo naxdin ay ka muuqato.

Ilaa hada macada kooxaha falkaan geystay waxa ay ahaayeen iyo meesha ay ka tirsan yihiin, waloow maamulka lambar 60 aysan ka hadlin arintaan.

Gaadiidka mara deeganada Gobalka Shabeelaha hoose ayaa la kulma dhibaatooyin Isugu Jira Dhac,Dilal Iyo Dhibaatooyin Kale Oo Ay U Geestaan Kooxo Jid Gooyoooyin Dhigta Wadooyinkaasi Iyadoona Aysan Marnaba Wax Ka Qabanin Masuuliyiinta Dowlada Falalkaani Lagu Dhibaateynayo Shacabka Soomaaliyeed