
16-October-2011 Dowladda Kenya Ayaa Ku Dhawaaqday Dagaalka Ka Dhan Ah Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Ay Ku Eedeysay Dagaalo Iyo Dilal Ka Dhacay Gudaha Dalka Kenya Iyo Gobolka Woqooyi Beri Ee Dalka Kenya Al-Shabaab Marna Ma Aysan Sheegan Masuuliyada Weeraradaasi Balse Dowlada Kenya Ayaa Ciidamadeda Si Dar Dar Leh Ugu Soo Daad Gureysay Gudaha Dalka Soomaaliya Si Ay Ula Dagaalamaan Xarakada Al-shabaab Waana Markii Ugu Horeysay Ay Ka Dagaalamaan Meelo Ka Baxsan Dalkooda
Al-shabaab Ayaa Waqtigaas Istaraatiijiyad Dagaal Waxa Ay Kaga Soo Baxday Gudaha Magaalada Muqdisho Oo Ay Kula Dagaalameysay Dowlada Soomaaliya Iyo AMISOM Iyadoona Mid Taasi La Mid Ah Ay U Adeegsatay Ciidamada Dalka Kenya Oo Xilligaasi Doonayey In Ay Gudaha U Galaan Magaalada kismaayo Balse Qorsho Dagaaledka Ay Qaateen Al-shabaab Ayaa Waqtiga Ku Bara Dheereeyey Dowlada Kenya.
Marka Laga Soo Tago Werarada Ay Al-shabaab Kala Kulmeysay Ciidamada Kenya Ayaa Waxa Dheeraa Weeraro Iyo Qaraxyo Kale Oo Ka Dhacayey Gudaha Magaalooyinka Gaarisa Iyo Nairobi Iyadoona Ay Gaarisa Soo Martay Magaalooyinka Ugu Xasiloon Gudaha Dalka Kenya Maantana Waa Mel Ay Waqti Walbo Weeraraan Al-shabaab Nairobi Oo Iyada Ahyd Caasimada Africa Ayaa Naqatay Furun Dagaal Ay Waqti Walbo Weraro Ka Dhacaan Waxaana La Aaminsanyahay In Ka Hor Weerarkii Kenya Ay ku Soo Qaaday Gudaha Soomaaliya Aysan Ka Jiri Wax Qal Qal Oo Dhanka Amaan Ah.
Dowlada Kenya Oo Mudo Dher Ku Qaadatay Qabsashada Gudaha Kismaayo Ayaa Waxa Jirtay Weraro Isugu Jira Qaraxyo Iyo Dilal Oo Ka Dhacayey Magaalooyinka Gaarisa iyo Nairobi Waxayna Dowlada Ku Eedeysay Amni Daradaasi Al-shabaab Balse Al-shabaab Marnaba Ma Aysan Sheegan Masuuliyada Weeraradaasi Waxaase Dad Farabadan Ay Filayey Al-shabaab In Ay Jawaab Cad Ka Bixi Doonaan Weerarka Ay Dowlada Kenya Ku Soo Gashay Soomaaliya.
Waxaa Timid Maalintii Ay Dad Farabadan Sugayeen Wexyna Ku Timid Westgate Mall Oo Sal Dhig U Ah Ganacsiga Iyo Dhaqaalaha Wadanka Kenya Maalintaasi Oo Sabti Aheydana Waxa Ka Dukaameysaneyey Kumaan Kenyaan Ah Oo Maalinka Axada U Diyaar Garowayey Fasaxa Karishtanka Oo Waqtigaas Guud Ahaanba Uu Ka Jirin Wax Ganacsi Ah Laakiin Maalinkaasi Waa Ay Ka Duwaneed Maalmaha Kale.
Wexey Eheyd Duhur Sabti Ah Oo Ay Taariikh Ku Beegneyd 21-Sbtember-2013 Markii Ay Rag Hubeysani Ay Gudaha U Galeen Xarunta Westgate Mall Kuwaasi Oo Rasaas Iyo Bambooyinka Gacanta Ay Albaabka Ku Jabiyeen Halkaasoo Ay Ilaalo Ka Hayeen Ciidamo Police Ah Wexeya Aheyd Dhacdo Kadis Ah Lamana Filaneyn In Ay Weerarkaasi Khaadeen Al-shabaab Tacshiirad Kooban Kadib Kooxihii Hubeysnaa Wexy Gudaha U Galeen Dhismaha Mall,ka Waxayna Guud Ahaan La Wareegeen Dhismaha Iyo Dadkii Ku Sugnaa Waqtigaas.
Al-shabaab Ayaa Isla Maalinkaasi Waxa Ay Sheegteen Masuuliyada Weerarkaasi Iyadoona Afahayeenka Al-shabaab Oo Warbaahinta La Hadlay Uu Sheegay In Ay Guud Ahaanba La Wareegeen Xarunta Wstgate Mall Wuxuuna Xusay In Ay Weerarkaasi Ka Dambeeyaan Dagaal Yahano Ka Tirsan Al-shabaab Waxaana Markii Ugu Horeysay La’arkay Wiil Dhalinyaro Ah Wuxuuna Sheegay In Kooxda Meesha Qabsaday Ay Yihiin Al-shabaab Isagana Ay Ku Soo Fasaxeen Kaliya In Uu Yahay Qof Muslim Ah.
Raggii Hubeysnaa Inta Ay Mesha Heysteen Ayaa Waxaa Goobta Soo Gaaray Si Gurmad Ahaan Ciidamada Yahuuda Oo Iyaga Xiriir Dhow La Leh Dowlada Kenya Iyo Ciidamo Kale Oo Ay U Soo Direen Dowlado Ay Xiriir La Leedaha Kenya Iyadoona Aysan Ml Isla Mar Karin Ruux Dhimasho Doon Ah Iyo Qof Nafsadiisa Jecel Balse Intoodaba Waxba Kama Aysan Badalin Qabsashada Ay Al-shabaab Kula Wareegeen Xarunta Ganacsiga e Westgate Mall.
Kumanaan Ciidamo Kenyaan Ah Ayaa Lagu Hareereeyey Afaafka Hore Ee Mall,ka Oo Isku Badashay Furun Dagaal Laakin Kuma Guuleesan Ciidamadaasi In Ay Soo Afjaraan Waxaana Halkaasi Buux Dhaafiyey Wariyayaal Xeran Jaakadaha Xabadda Iyo Ciidamo Isugu Jira Millater,Police,Iyo Nabad Sugid Laakiin Marnaba Kuma Aysan Dhiiranin In Ay Gudaha U Galaan Xarunta Oo Aan Waqtigaasi La Garaneyn Raga Meesha Galay Tiradooda Iyo Meelaha Ay Difaac Ka Kala Galeen.
Masuuliyiinta Dalka Kenya Ayaa Maalinkaasi Hadalo Ismaan Dhaafsan Ku Kala Hadlay Iyagoona Midba Midka Kale Uu Sheegayey Hadal Jahwareersan Waxayna Raga Meesha Qabsaday Ay Ku Sheegayeen Tiro Aan La Hubi Iyagoona Waqtigaasi Ay Sheegeen In Ay Dad Ay La Xeriirinayaan Raga Meesha Qabsaday Ay Xabsiga Dhigeen Kuwa Kalena Ay Dileen Siduu Sheegay Waziirada Gaashaan Dhiga.
4-Maalmood Kadib Ayuu Soo Gaba Gaboobey Weerarka Waxaana Halkaasi Ku Dhimatay 100-Ruux Iyadoona Ay Ku Dhaawacmeen 200-Oo Kale Waxaana Guud Ahaan Dhulka Ku Darsamay Dhismihii Westgate Mall Waxaana Illaa Iyo Haatan Dhagaha Madaxda Kenya Iyo Shacabka Ku Dhaqan Caalamka Intiisa Kale Ka Sii Guuxaya Guul Darada Ka Soo Raacday Dowlada Kenya.




